Sunday, 9 June 2013

TAHRIIBKA LOO SOO MARO KOONFUR AFRIKA IYO DHIBAATOYINKA AY KALA KULMAN SOOMAALIDA KU DHAQAN..!!

By Mohamedrashaad
                                                                        Monday, June 10, 2013

BISMILLAAH.                                                              
Dalkii hooyo markii uu bur buray, umadii soomaaliyeed nin waliba meel buu u cararay, dalka koonfur Afrika waxa uu ka mid ahaa dalalkii ay soomaalidu usoo nabad raad satay, hadii aynu isku dayno inaan ka hadalno tahriibka lagu imaado wadanka koonfur afrika ma aha mid sahlan waa mid dhib iyo silica nolosha dhan walibo ka wato, waa tahriib aanan fududeen, waa tahriib bilaa sharci ah inta badan, oo loo soo maro dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, Mozambique, Malawi, Zambia, Zimbabwe, Botswana,  dhamaan wadaman ayaa ah wadamo ay soomaalidu soo dhax marto markii ay usoo tahriibayan dalka koonfur afrika,
Waxaa jirto muqalasiin soomaali ah oo inta badan dadka soo marsiiyo dalalka aan soo sheegnay kuwaas oo muhaajiriinta ka qaato lacago farabadan, waxaa dhacdo in tahriibayaal farabadan ay ku wayaan naftooda inta ay ku jiraan tahriibka, kuwaas oo ugu badan markii lagu soo xareeyo baabuurta truck ka ah oo dabada danbe ilaa iyo boqolal dad lasoo galiyo kadibna ay waayaan meel ay ka neefsadaan, waxaa kale oo dhacdo in muqalasiinta ay ka dhuuntaan oo ay meel cidlo ah ugu tagaan tahriibayaasha taas oo sababta in loo qabto tahriibayaal farabadan sharci daro,
Dhibaatooyinka tahriibayaashu ay maraan  ma ahan mid sahlan, dadka khaar ayaa waxaa la soo marsiiyaa dhanka bada iyaga oo doon aad u cariiri ah laga soo saaro dalka Kenya gar ahaan magaalo xeebeedka Mombasa dadkan ayaa tiro aad u badan lagu soo saraa doon aad uyar waxeyno qaadataa 7berri ama ka badan oo ay badu ku dhax jiraan, waxaa dhacdo  iyadana in ay dad ku dhinteen doonta dhaxdeed khaarna bada lagu tuuro, dadkan ayaa ugu danbeen la geenaa xeebaha Mozambique  waxeyna la gulmaan dhibaatooyin aad ufara badan markii ay yimadaan xeebta bal qiyaas qof 7berri iyo kabadan bad kusoo jiray oo ciriiri iyo nolol aan la sawirin Karin kusoo jiray dhawr cisho oo hadane lug iyo keymo la marsiinayo waxaa dhacdo markaas in dharka laga qaato oo nan waxba loo reebin ay marayaan, ugu danbeyn dadkan ayaa si qarsoodi ah ku imaado xerooyinka waa weyn oo ay kamid tahay xerada murutaniya ee dalka  Mozambique halkaas oo ay ugu horeyso naf iyo meel ay ku nastaan dadkan ayaa kala kulmaan dhibaatooyin dhanka nolosha iyo caafimaadkaba, dalka Mozambique ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan cudurka malaariyada iyada oo xerooyinka ku yaal ay ugu geeriyodeen soomaali badan cudurka malaariyada.
Dhanka xabsiyada..!!
waxaa jirto dhalinyaro farabadan oo ku jiro ama soo maray  xabsiyada dalalka kala ah Tanzania, Zimbia, Zimbabwe, Botswana, Mozambique, Malawi,   oo aysan jirin cid udoodeyso ama u hadleyso waxey ku soo silceen xabsiyadaas dalalkan  waxey isku soo fardaamiyeen jeebabkooda iyaga oo bixinayo lacago farabadan si ay isku furdaamiyaan madama aysan jirin dowlad xiligaas utaagneyd, sababaha ugu waa weyn oo dhalinyaradaas ay xabsiyada dalalkan usoo mareyn ayaa aheyd sharci daro ay ku safrayeen taas oo sababtay in waqtiyo farabadan ay xabsiyada dalalkan kusoo qaataan, dalalka ay aadka ugu soo maraan xabsiyada ayaa ah wadanka Tanzania wadankaas oo soomaalidu aad ugu dhibaatootay dhanka marista sharcidarada taas oo sababtay boqolaal soomaali ah iney xabsiyada loo taxaabo in mudo ahna ay iskuga jiraan ilaa iyo hadane khaar ay ku jiraan.
Dalka koonfur afrika..!!
Koonfur afrika waa dal aad uweyn waxa uu ka kooban yahay sagaal  gobol oo aad uwaa weyn, waa dal dhaqaali hiiso sare ugacayo oo ka mid ah dalalka afrika ugu dhaqaalaha badan, dalka koonfur afrika waxaa ku nool qawmiyado farabadan oo wadanka u dhashay waxaa looga hadlaa ilaa 11 luuqadood waxaana dadkaas inta badan isku fahmaa luuqada englishka,
Dadka wadanka udhashay  waxey iskugu jiraan dadka madaw ah oo deegaanka markii hore loogu yimid, iyo dadka cadaanka ah oo iyagu asal ahaan kasoo jeedo wadamada yurub oo gumeystay dalkan koonfur afrka mudo badan, dalkan koonfur afrika ayaa xurnimdu qaatay 1994kii,  dadka cadaanka ah oo gumeysanayey dalkan mudo badan  ayaa keenay xiligii ay kumeysanayeen dalkan ciidamo farabadan oo ay kasoo daabuli jireen doomo ciidamadaas ayaa badanaa laga keeni jiray  dadalalka ay gumeysanayaan ingriiska ciidamadaas ayaa ugala dhashay dalka Inida haba ubadnadeen iyo dalka Malaysia, dadkan ayaa xiligaas lala leekay eheladoodii, xaasaskoodii iyo caruurtoodii si aysanba ugu laabanin dalkan, waxaa kaloo  jirto ama la sheegaa iney ku jireen ciidamo farabadan oo  garayo boqolaal soomaali ah oo la keenay dalkan koofur afrika lkn ay ku mil meen dadka  wadanka udhashay oo ilaa mar dhaweyn raadadkii ay katageen la hayo, hadii ay ahan la heyd caruur ay awoowe yaal u yihiin ama magacyo xaafadaha khaar ay dagnaayeen ay ku qoreen xaafadahaas oo ka tirsan johannesburg,  
Soomaalida iyo ganacsiga ay ku heystaan dalka, iyo sharciyada ay ku joogaan..!!
SHARCIGA.
Muwaadiniinta  Soomaaliyeed markii ay soo gaaraan boodharka dalka koonfur afrika  waxaa lasiiyaa sharciyo ku sug ah oo ay ku aadi karaan meelaha sharciyada laga bixiyo home affairs, kadib  waxaa la siiyaa sharciyo 3bilood ama 6 biloo, kadib qofka markii uu helo sharci 2sanno oo hada loo badalay 4sanno ayuu noqonayaa qof loo diiwaan galiyey qaxooti ahan, shacarigan ayaa qofka ku shaqeysan karaa ama uu wax ku baran karaa, qofkii joogo wadanka 5sanno iyo ka badan waxa uu xaq uleeyahay inuu xareysto daganaansho.
GANACSIGA KOONFUR AFRIKA.
Dalka koonfur afrika soomaalidu aad ayeey ugu ganacsadaan oo waxey ku leeyihiin ganacsiyo aad u waa weyn, soomaalidu waxey dhahdaa  “nin aanan shaqeysanin shah waa ka xaraan”  muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool koonfur afrika waxaa lagu qeysaa tiradooda 50kun ilaa 65kun lama haayo  ilaa iyo hada tira koob sax ah lkn waxaa lagu qiyaasaa intaas, walaw dad badan ay laabteen labadii sanno ee lasoo dhaafay.
 Dadkan ayaa badankood iskugu jira dad ganacsiyo leh iyo dad shaqaalo ah, inta badan waxey ka ganacsadaan magaalooyinka iyo baadiyaha (locations) ama xaafadaha isku ra ranta ah hadba sida aad u fahmi kartid, xaafadahaas ama locationada ayaa inta badan dadku ganacsigoodu u badan yihiin, waa meelaha ugu qatarsan oo badanaa soomaalidu lagu laayo, xaafadaha locationada  ayaa ugala baxa xaafado madawka dagan oo ah runtii dad ay noloshu aad ugu ciriiri tahay iyo xaafado dadka madibka ah dagaan kuwaas oo inta badan ka nabad fiican xaafadaha madawka ah,
Ganacsiga magaaladu badanaa waxa uu ku tiirsan yahay ganacsatada locationada oo magaalooyinka waxaa ka furan cash and carry waa weyn oo soomaalidu furatay, dugaamo dhar, internet cafe, iyo iwm dowlada koonfur afrika dhanka soomaalidu waxaa ugu dii waangishan in dadkan iney yihiin dad xamaasha oo wadanka dhaqaale soo galiya oo aysan la mid aheyn ajaanibta kale.
Dilalka loogu geysto soomaalida koonfur afrika.
Dalka koonfur afrika soomaalidu waxey usoo raadsadeen nabad iyo iney nolol ka raadsadaan lkn taasi iskuma aysan helin oo nabadii ugu muhiim saneyd oo ay usoo raadsadeen ayaa meesha ka baxday,  waxaa dhacday in soomaali farabadan lagu dilay koonfur afrika ilaa iyo hadane lagu dilayo police ka koonfur afrika waxey sheegeen in labadii isbuucba la dilo muwaadin soomaaliyeed, muwaadinintaas oo badanaa lagu dilo meelaha locationada oo dhanka amaanka aanan iskala mid aheyn magaalooyinka, badanaa locationada ay dilalka ka dhacaan ayaa ah locationada dadka  madawga ah ay ku nool yihiin kuwaas oo aad moodo iney ka maser san yihiin somalida ka dhax ganacsaneyso iyaga oo cay nayaan oo u adeegsanayaan hadalada qaxooti baatihiin iwm, ilaa iyo hada muwaadiniinta soomaaliyeed ee la dilo waxey noqotay kuwa markii la dhigo qabriga la iska hilmaamo oo aysan helin kuwii ka danbeeyey ciqaab ama maxkamad la soo saaro, sida  aan ogsoonahay waxaa la xukamay ninkii ka danbeeyey dilka iyo gufsigii gabadhii xaamilada aheyd ninkaas oo lagu xukumay xabsi daa’in Aabe soomaaliyeed oo dhaha “dowlada koonfur afrika waxaad moodaa ineysan xil iska saareynin dilalka loo geysanayo shacabka yaga waxaa dhahay Aabe soomaaliyed”.
Mohamedrashaad                                                                                           mrashaad20@gmail.com