By Mohamedrashaad
Monday,
June 10, 2013
BISMILLAAH.
Dalkii hooyo markii uu bur buray, umadii soomaaliyeed nin
waliba meel buu u cararay, dalka koonfur Afrika waxa uu ka mid ahaa dalalkii ay
soomaalidu usoo nabad raad satay, hadii aynu isku dayno inaan ka hadalno
tahriibka lagu imaado wadanka koonfur afrika ma aha mid sahlan waa mid dhib iyo
silica nolosha dhan walibo ka wato, waa tahriib aanan fududeen, waa tahriib
bilaa sharci ah inta badan, oo loo soo maro dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya,
Tanzania, Mozambique, Malawi, Zambia, Zimbabwe, Botswana, dhamaan wadaman ayaa ah wadamo ay soomaalidu
soo dhax marto markii ay usoo tahriibayan dalka koonfur afrika,
Waxaa jirto muqalasiin soomaali ah oo inta badan dadka soo
marsiiyo dalalka aan soo sheegnay kuwaas oo muhaajiriinta ka qaato lacago
farabadan, waxaa dhacdo in tahriibayaal farabadan ay ku wayaan naftooda inta ay
ku jiraan tahriibka, kuwaas oo ugu badan markii lagu soo xareeyo baabuurta
truck ka ah oo dabada danbe ilaa iyo boqolal dad lasoo galiyo kadibna ay
waayaan meel ay ka neefsadaan, waxaa kale oo dhacdo in muqalasiinta ay ka
dhuuntaan oo ay meel cidlo ah ugu tagaan tahriibayaasha taas oo sababta in loo
qabto tahriibayaal farabadan sharci daro,
Dhibaatooyinka tahriibayaashu ay maraan ma ahan mid sahlan, dadka khaar ayaa waxaa la soo
marsiiyaa dhanka bada iyaga oo doon aad u cariiri ah laga soo saaro dalka Kenya
gar ahaan magaalo xeebeedka Mombasa dadkan ayaa tiro aad u badan lagu soo saraa
doon aad uyar waxeyno qaadataa 7berri ama ka badan oo ay badu ku dhax jiraan,
waxaa dhacdo iyadana in ay dad ku
dhinteen doonta dhaxdeed khaarna bada lagu tuuro, dadkan ayaa ugu danbeen la
geenaa xeebaha Mozambique waxeyna la
gulmaan dhibaatooyin aad ufara badan markii ay yimadaan xeebta bal qiyaas qof
7berri iyo kabadan bad kusoo jiray oo ciriiri iyo nolol aan la sawirin Karin kusoo
jiray dhawr cisho oo hadane lug iyo keymo la marsiinayo waxaa dhacdo markaas in
dharka laga qaato oo nan waxba loo reebin ay marayaan, ugu danbeyn dadkan ayaa
si qarsoodi ah ku imaado xerooyinka waa weyn oo ay kamid tahay xerada
murutaniya ee dalka Mozambique halkaas
oo ay ugu horeyso naf iyo meel ay ku nastaan dadkan ayaa kala kulmaan
dhibaatooyin dhanka nolosha iyo caafimaadkaba, dalka Mozambique ayaa waxa uu ka
mid yahay dalalka ugu badan cudurka malaariyada iyada oo xerooyinka ku yaal ay ugu
geeriyodeen soomaali badan cudurka malaariyada.
Dhanka
xabsiyada..!!
waxaa jirto dhalinyaro farabadan oo ku jiro ama soo maray xabsiyada dalalka kala ah Tanzania, Zimbia,
Zimbabwe, Botswana, Mozambique, Malawi, oo aysan jirin cid udoodeyso ama u hadleyso
waxey ku soo silceen xabsiyadaas dalalkan waxey isku soo fardaamiyeen jeebabkooda iyaga
oo bixinayo lacago farabadan si ay isku furdaamiyaan madama aysan jirin dowlad
xiligaas utaagneyd, sababaha ugu waa weyn oo dhalinyaradaas ay xabsiyada dalalkan
usoo mareyn ayaa aheyd sharci daro ay ku safrayeen taas oo sababtay in waqtiyo
farabadan ay xabsiyada dalalkan kusoo qaataan, dalalka ay aadka ugu soo maraan
xabsiyada ayaa ah wadanka Tanzania wadankaas oo soomaalidu aad ugu dhibaatootay
dhanka marista sharcidarada taas oo sababtay boqolaal soomaali ah iney
xabsiyada loo taxaabo in mudo ahna ay iskuga jiraan ilaa iyo hadane khaar ay ku
jiraan.
Dalka
koonfur afrika..!!
Koonfur afrika waa dal aad uweyn waxa uu ka kooban yahay
sagaal gobol oo aad uwaa weyn, waa dal
dhaqaali hiiso sare ugacayo oo ka mid ah dalalka afrika ugu dhaqaalaha badan,
dalka koonfur afrika waxaa ku nool qawmiyado farabadan oo wadanka u dhashay
waxaa looga hadlaa ilaa 11 luuqadood waxaana dadkaas inta badan isku fahmaa
luuqada englishka,
Dadka wadanka udhashay waxey iskugu jiraan dadka madaw ah oo
deegaanka markii hore loogu yimid, iyo dadka cadaanka ah oo iyagu asal ahaan kasoo
jeedo wadamada yurub oo gumeystay dalkan koonfur afrka mudo badan, dalkan koonfur
afrika ayaa xurnimdu qaatay 1994kii, dadka
cadaanka ah oo gumeysanayey dalkan mudo badan ayaa keenay xiligii ay kumeysanayeen dalkan ciidamo
farabadan oo ay kasoo daabuli jireen doomo ciidamadaas ayaa badanaa laga keeni
jiray dadalalka ay gumeysanayaan ingriiska
ciidamadaas ayaa ugala dhashay dalka Inida haba ubadnadeen iyo dalka Malaysia, dadkan
ayaa xiligaas lala leekay eheladoodii, xaasaskoodii iyo caruurtoodii si aysanba
ugu laabanin dalkan, waxaa kaloo jirto
ama la sheegaa iney ku jireen ciidamo farabadan oo garayo boqolaal soomaali ah oo la keenay
dalkan koofur afrika lkn ay ku mil meen dadka wadanka udhashay oo ilaa mar dhaweyn raadadkii
ay katageen la hayo, hadii ay ahan la heyd caruur ay awoowe yaal u yihiin ama
magacyo xaafadaha khaar ay dagnaayeen ay ku qoreen xaafadahaas oo ka tirsan
johannesburg,
Soomaalida iyo ganacsiga ay ku
heystaan dalka, iyo sharciyada ay ku joogaan..!!
SHARCIGA.
Muwaadiniinta
Soomaaliyeed markii ay soo gaaraan boodharka
dalka koonfur afrika waxaa lasiiyaa
sharciyo ku sug ah oo ay ku aadi karaan meelaha sharciyada laga bixiyo home affairs,
kadib waxaa la siiyaa sharciyo 3bilood ama
6 biloo, kadib qofka markii uu helo sharci 2sanno oo hada loo badalay 4sanno ayuu
noqonayaa qof loo diiwaan galiyey qaxooti ahan, shacarigan ayaa qofka ku
shaqeysan karaa ama uu wax ku baran karaa, qofkii joogo wadanka 5sanno iyo ka
badan waxa uu xaq uleeyahay inuu xareysto daganaansho.
GANACSIGA KOONFUR AFRIKA.
Dalka koonfur
afrika soomaalidu aad ayeey ugu ganacsadaan oo waxey ku leeyihiin ganacsiyo aad
u waa weyn, soomaalidu waxey dhahdaa “nin aanan shaqeysanin shah waa ka xaraan” muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool koonfur
afrika waxaa lagu qeysaa tiradooda 50kun ilaa 65kun lama haayo ilaa iyo hada tira koob sax ah lkn waxaa lagu
qiyaasaa intaas, walaw dad badan ay laabteen labadii sanno ee lasoo dhaafay.
Dadkan ayaa badankood iskugu jira dad
ganacsiyo leh iyo dad shaqaalo ah, inta badan waxey ka ganacsadaan
magaalooyinka iyo baadiyaha (locations) ama xaafadaha isku ra ranta ah hadba
sida aad u fahmi kartid, xaafadahaas ama locationada ayaa inta badan dadku ganacsigoodu
u badan yihiin, waa meelaha ugu qatarsan oo badanaa soomaalidu lagu laayo, xaafadaha
locationada ayaa ugala baxa xaafado
madawka dagan oo ah runtii dad ay noloshu aad ugu ciriiri tahay iyo xaafado
dadka madibka ah dagaan kuwaas oo inta badan ka nabad fiican xaafadaha madawka
ah,
Ganacsiga
magaaladu badanaa waxa uu ku tiirsan yahay ganacsatada locationada oo magaalooyinka
waxaa ka furan cash and carry waa weyn oo soomaalidu furatay, dugaamo dhar,
internet cafe, iyo iwm dowlada koonfur afrika dhanka soomaalidu waxaa ugu dii
waangishan in dadkan iney yihiin dad xamaasha oo wadanka dhaqaale soo galiya oo
aysan la mid aheyn ajaanibta kale.
Dilalka loogu geysto soomaalida
koonfur afrika.
Dalka koonfur
afrika soomaalidu waxey usoo raadsadeen nabad iyo iney nolol ka raadsadaan lkn
taasi iskuma aysan helin oo nabadii ugu muhiim saneyd oo ay usoo raadsadeen ayaa
meesha ka baxday, waxaa dhacday in
soomaali farabadan lagu dilay koonfur afrika ilaa iyo hadane lagu dilayo police
ka koonfur afrika waxey sheegeen in labadii isbuucba la dilo muwaadin
soomaaliyeed, muwaadinintaas oo badanaa lagu dilo meelaha locationada oo dhanka
amaanka aanan iskala mid aheyn magaalooyinka, badanaa locationada ay dilalka ka
dhacaan ayaa ah locationada dadka madawga
ah ay ku nool yihiin kuwaas oo aad moodo iney ka maser san yihiin somalida ka
dhax ganacsaneyso iyaga oo cay nayaan oo u adeegsanayaan hadalada qaxooti
baatihiin iwm, ilaa iyo hada muwaadiniinta soomaaliyeed ee la dilo waxey
noqotay kuwa markii la dhigo qabriga la iska hilmaamo oo aysan helin kuwii ka danbeeyey
ciqaab ama maxkamad la soo saaro, sida
aan ogsoonahay waxaa la xukamay ninkii ka danbeeyey dilka iyo gufsigii gabadhii
xaamilada aheyd ninkaas oo lagu xukumay xabsi daa’in Aabe soomaaliyeed oo dhaha
“dowlada koonfur afrika waxaad moodaa
ineysan xil iska saareynin dilalka loo geysanayo shacabka yaga waxaa dhahay
Aabe soomaaliyed”.
Mohamedrashaad mrashaad20@gmail.com
