XADIISKA UMU ZARAC - 1 ( Noocyada Ragga)
waxaan
rabaa si kooban oo haddana macnihii intiisa badan xambaarsan inaan idiin ku soo
koobo Xadiiska Loo Yaqaan Xadiis (Ummu Zarac) ee Bukhari iyo Muslim iyo Imaamya
kaleba weriyeen..Baabka Cawayska Qoyska..Macnuhu Carabiga ayuu aad ugu
macaanyahay, laakiin nuxurka macnaha ayaan isku deyi inaan Soomaaliyeyo :
Caaisha Radiyallaahu Canhaa ayaa ku tiri Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam habeen
iyagoo Caweynaya...(Adiga Xaaskaaga ma la caweysaa) :
11 Dumara ayaa meel isugu yimi..wexey isku
dhaarsadeen in mid waliba ninkeeda wuxuu yahay sheegto oo aaney waxba qarin..
Waayahay ayey yiraahdeen..waana dumar carbeed oo aftahamo ilaahay
siiyey..intooda badani ragoodii meel fog ayey uga soo hareen..aan eegno
xadiiska xiisaha iyo macaanka iyo xikmadda badan, ragguna aad ha u dhuuxaan..tii
koowaad ayaa bilawday:
1aad: wexey tiri: Ninkaygu waa Hilib Geel, oo
Caata ah, oo oo Buur dheer, oo qarjaf ah dhakadeeda
saaran, mana fuuli kartid, mana soo qaadan kartid..( wey u dhamaysay, wexeyna
ka wadaa, hilibka geel dadku sey u badan yihiin ma jecla, isagoo saasa ayuu
haddana caata duukhday yahay kasii daran, markaasuu haddana meel dheer oo inaad
buurta dhagaxaa fuusho kaaga baahan yaal, wexeyna ka wadaa baa la yiri:
Dabeecaddiisu waa mid adag sida dhagaxa, wax la qaatana ma leh, si loola
dhaqmana lama yaqaan, lamana raali geli karo!!Ninkii dabci adag dumar kala
tage, ogow!! Is fududey marka saaxiib..
2aad: wexey tiri : Iga daaya Ninkayga sheekadiisa
idiin ma sheegi karo, waxaan ka baqayaa hadaan sheego in lay furo, ceebihiisa
kor iyo hoos inaanan wax ka tegin...( weyna sheegtay oo wexey ula jeedaa
ceebihiisu waa kuwa muuqda oo markhaati ma doonta ah, kuwa hoosena waa badan
yihiin hadii la faaqido, xaaska uun baa og...Tanina wey u dhamaysay..oo wexey
ku tilmaantay weliba meelaha jirka dhididka iyo uskagu galo ee isku laab
laaban, sida qoorta, iyo xudunta.. laba nin ayaa meeshaas gal galanaaya!!.
3aad : Wexey tiri Ninkaygu waa Qabaluus, waa
doqon dheer, haddaan hadlo waa i furayaa, hadaan aamusana waa i calaqayaa,
yacni mid aan lana furin lana qabin ayaan noqonayaa, marka hadaan aamuso iyo
hadaan hadlo midna iima roona, sidaas ayaan kula joogaa..(gabadhani meel fog
ayey geysey ninka, waa nin dabeecad xumadu la gaartey inaan hadal iyo aamus
midna lagula dhaqmi karin, marka silic iyo saxarir iyo dani ku badday ayey kula
joogtaa..Allow sahal)
4aad : waa gabadha u
horreysa oo ninkeeda amaantay..wexey tiri :( Ninkaygu waa sida habeenka Tihaama
(dhul buuraley ah oo koonfurta Sucuudiga ah) kulaylna maaha, qabowna maaha,
cabsina ma leh, caajisna ma leh...( Gabadhan ninkeeda aad ayey u amaantay
habeenka tihaama waa hawada ugu fiican, oo aan kulayl iyo qabow midna ahayn..wexey
ka wadaa dabeecad wanaagsan oo dhex dhexaadkii ugu fiicnaa ayuu leeyahay, nin
dabci adag oo aan lala heshiinna maaha, nin qabow oo lagu ag dhintana maaha,
sidoo kale cabsi kama qabto iney la sheekaysato, la kaftanto, hadalka si raaxo
iyo xorriyad keh u tiraahdo, agtiisana laguma caajiso, yacni wuu kool kooliyaa,
ama magacyo fiican ugu yeeraa, dahabey, malabey, ubaxey, iwm..
5aad: waa laysku khilaafay iney amaantay iyo iney
cayday, waxaase loo batay iney amaantay..wexey tiri: (Ninkaygu Haduu soo galo
waa shabeel..Haduu baxana waa Libaax..wixii uu guriga ku ogaana ima
weydiiyo...) waxaa layiri wexey ula jeedaa haduu soo galo sida bahalkaas ayuu
seexdaa, guriga gudihiisana iskuma mashquuliyo, maxaa la bixiyey, maxan la
bixin, maxa maqan maxaa yaal, Dumarkuna ninka la xisaabtama ma jecla..kursigii
halkan oolaa aaway? Weelkii hebel ahaa yaa qaatay? Saxankii aan waagii soo
iibshey xagee aadey? Termuuskii aan lacagta badan kasoo bixiyey aaway?
Sonkortii sidee idiinka dhamaatay asbuucba lama gaarine? Iwm..waxaa la
yiraahdaa ninka caaqilkaaye waa kan wax badan is dhaafiya..
6aad: gabadhanna wey ka ashtakootey..wexey tiri:
(Ninkaygu haduu wax cuno xeerada eber..haduu cabbana waa fuuqsadaa..kadibna waa
is duu duubaa..gacanna hoos masoo xuluuliyo..si uu xaalkayga u ogaado) yaa
allaah..waa cabasha meeshii u dambaysey..horta bela wuxuu ku dhigay cir
weyni..wuxuu ku darsaday markuu dhergo gabadhii cuntadaas macaan samaysay uma
mahad celiyo ee maraduu gab isku siiyaa madax ilaa mijo. Kaaga darane gacanba
soo fidin maayo..gabadhiina dhabanada ayey iska qabsan, xidigaha ayey la caweyn..
7aad: waxba midaani ninka uma hambayn..qaati
billaahiya ayey ka joogtaa, laakiin dan baa ag dhigtay iyo nolol iyo ilmo
mindhaa..wexey tiri: (Ninkaygu hadal ma yaqaan, jid toosanna kuma hagaago, lama
fahmi karo oo waa xir xiran yahay, ceeb walbana waad ku arkeysaa..ama wajiga
ayuu kaa dakhri..ama laf ayuu kaa jebin..ama labadaba waa isugu kaa darayaa..)
Ninkaanu afgarooc nimada, iyo caqli yarida wuxuu ku
darsadey dil, oo ama wajiguu diiran ama laftuu jebin..waa mid laga
quustay..iska jir wiilow sidaas ha noqon..ragga dumarka dilana akhyaar maaha
xadiis kalaa yiri..
8aad: Gabadhan waa tii saddexaad oo ninkeeda
amaanta..bal dhalinyaro dhegeysta..wexey tiri: (Ninkayga taabashadiisu waa
taabasha bakayle oo kale..caraftiisuna waa uduga catarka sida geedka zarnabka
la yiraahdo..) laba shey oo dumarku jecelyihiin ayey ku amaantay..korkiisu waa
xariir oo kale..gacanta haduu ku taabto wexey ku tusaalaysay sida dhogorta
bakaylaha oo ah mid aad u jilicsan..marka hadey ka wado xagga gogosha iyo hadey
ka wado taa taabashada intaba waa nin gacantiisa iyo jirkiisa ay ku
raaxaysato..marka saabuunta iyo shaambada iyo alaabta laysku jilciyo
dhalinyaradu yey ilaawin..wexey kaloo ku amaantay uduga iyo carafta
wanaagsan..taasna naftaa jecel..gurya badan ayaa wexey ku dumeen..nin maalinkii
oo dhan dharkuu ku shaqaynayey, uskagii iyo dhididkii isagoo wata xaaskiisa
kasoo ag dhowaan, markaas ayey ka anfarirtaa, waxaaba laga yaabaa iney furiin
dalbato..qaarna cadayga ayey ilaawaan, markuu gabadha xageeda soo aado, ayaa
waxaa qaadda dabayl qarmuun, yaa salaam, markaa waa halagu kala tago
meesha..Arrinkaa dartiis Nebiga Calayhi Salaatu wasalaam guriga markuu soo galo
wuxuu ka bilaabi jirey cadayga..Marka saaxiib, guriga hadaad timaaddo habeenkii
qubayso..dharka bedelo..subko..barafuunka iyo kreemyada ha ilaawin..si fiican u
cadayo..kadib ayaa sheekada iyo cawaysku fiicnaadaa..hadii kale waad ka
shalayneysaa..adaa is yaqaan...
9aad: iyana wey amaantay..sharaf iyo magac iyo
deeqsinimo iyo martisoor ayey ku sheegtay..wexey tiri: (Ninkayga gurigiisu waa
tiirar dheeryahay..Isaguna waa nin Muuqda..Dambaskiisu waa weyn yahay
dabkiisuna ma damo..Gurigiisuna golaha la fadhiisto ayuu u dhowyahay oo meel
lagu soo hagaago) markaa gabadhu ninkeeda inuu yahay nin doora oo reerkiisa ama
bulshadiisa ka muuqda ayey ku tilmaantay, martidu kusoo hirato oo mar walba wax
laga cunayo, golaha laysugu yimaadana gurigiisu ku dhooyahay taasoo keeneysa
inaanu dhibsanayn ee jecelyahay in mar walba uu dadka soo dhoweeyo..halkaa
waxaa ku haray ninka keligii cunaha ah ee wuxuu haysto la dhuunta, martidana ka
seexda ama ka leexda, bakhaylka ah oo faraha hadaad ka garaacdo aaney kasoo
dhicin..
10aad : Ninkeeda iyana wey amaantay..xoolo..
Deeqsinimo iyo wanaag badan ayey ka sheegtay..wexey tiri: ( Ninkaygu waa
Maalik..Maalik miyaad taqaaniin wuxuu yahay...wax kasta oo aad u malayso waa ka
wanaagsanyahay..geel badan ayuu leeyahay..oo xerada u fadhiya...wax badanna aan
la foofin si aaney u fogaan..dhawaqiisa hadey maqlaan..wexey ogaadaan iney
qalanyihiin.) Ninkeeda wanaagna wey ka
sheegatay..dumarka oo u badan iney dayriyaan, ogow ninka ay wanaag u qirto, oo
ayan hilmaamin inuu nin doora oo rag ka tegey yahay..wexey ku sheegtay xoola
badan..hadii wanaag loo adeegsado xooluhu waa nicmo iyo amaan..wexey kaloo ku
tilmaantay deeqsinimo, iyo marti soor, inuu dadka maalin walba geel u qalayo,
oo aanuba rabin in geelu ka fogaado..
11aad: waa qofka sheekada xadiisku ku socoto..waa
Umu Zarc...qalbigeedu marna waa ka go'i waayey Abu Zarc..weyna hilmaami kari
la,dahay..dumar wexey jeclaayeen oo dhan ayey ka heshay..bal aan
dhegeysanno..Wexey tiri Umu Zarc :( Ninkaygu waa Abuu Zarc..waa kuma Abu
Zarc..Dhegahayga dahab buu ka lulay...jirkaygana barwaaqo ayuu ka muujiyey...waa
iga farxiyey markaasaan farxay..oo waa i weyneyey oo i kool kooliyey..markaasaa
naftaydu ila weynaatey..wuxuu iga soo guursadey reer dan yar oo jees ah..ari
yar jeex ku haysta..markaasuu isoo dhex dejiyey qoys nicma buuxa geel iyo fardo
iyo xoolo nooc walba...Agtiisa sidaan doono ayaan u hadlaa, waxna ima yiraahdo,
laymana caayo, hurda macaan ayaan seexdaa ilaa iyo barqadii laymana kiciyo,
waan quraacdaa oo cabbaa, waana la ii shaqeeyaa, oo hawl layguma dhibo..Abuu
Zarc Hooyadiis waa tuma..Waa mid xoola buuxda..Gurigeeduna waasic
yahay...Wiilka Abu Zarc waa kuma? Waa wiil qurux badan, oo fir fircoon, oo aan
cirweynayn..Gabadha Abu Zarc waa tuma? Waa gabadh gabdhaha dhaaftay..joog iyo
qurux isku darsatay..asaageed ka masayray...hooyadeed iyo Aabeheed baari u
ah..gabadha Shaqaalahaa ee Abu Zarc waa tuma? Waa mid guriga si fiican uga
shaqaysa..sirta reerka ilaalisa oo aan banaanka geyn..xoolaha iyo alaabta
guriga aan baylihin..Iyadoo sidaa xaal yahay ayaa Abuu Zarc baxay..iyadoo roob
da'ay, carriguna barwaaqa yahay..wuxuu arkay gabadh qurux badan..oo da' yar..a
laba cunug oo yar yari u ciyaarayaan..Laabteedana laba naas oo rumaan aad moodo
ka lushaan..markaasuu iyada guursadey, anigana i furay...kadibna waxaa i
guursadey nin wanaagsan..oo sharaf leh..xoola nooc walba i siiyey..iguna yiri:
qaado Ummu Zarac, ehelkaagana sii...wuxuu i siiyey oo dhan hadaan isu geeyo,
weelka ugu yar ee Abuu Zarc ma gaaro)...Ummu Zarac Dumarka warkoodi wey
dhamaysay..(Nebigu Calayhi Salaatu wasalaam oo dhegeysanayey cawayska xaaskiisa
Caaisha Radiyallaahu Canhaa wuxuu yiri: Waxaan kuu ahay sidii Abuu Zarc Umu
Zarc u ahaa, laakiin Kuma furayo..wexey tiri: Adaa Abuu Zarci ka khayr badan
yaa Rasuulalaah)...
Hadaba Warka Ummu Zarc waxaa Ragow laga qaatay:-
1) Dumarku ninka u roon ma ilaawaan
2) Kan daryeela ee u naxariista Ma Ilaawaan
3) Kan Raaxadooda ka shaqeeya ma ilaawaan
4) Kan xoolaha iyo Dahabka haysta ma Ilaawaan
5) Kan hadalkooda iyo dhibkooda u dulqaata ma
Ilaawaan
6) Dumarka dhalaal iyo Raaxo laga raac ee intii
tabara ha u diidina
7) Dumarku kan kool kooliya oo farax geliya ma
ilaawaan
Hadaba waa kaase sheekadoo kooban ragow tashada oo
quraaraduhu yey idin kasoo ashtakoon...
Sheekada waxaa qoray oo diyaariyey: Sheikh mohamed idiris ahmed.