Monday, 28 January 2013

XADIISKA UMU ZARAC - ( Noocyada Ragga)


XADIISKA UMU ZARAC - 1 ( Noocyada Ragga)

waxaan rabaa si kooban oo haddana macnihii intiisa badan xambaarsan inaan idiin ku soo koobo Xadiiska Loo Yaqaan Xadiis (Ummu Zarac) ee Bukhari iyo Muslim iyo Imaamya kaleba weriyeen..Baabka Cawayska Qoyska..Macnuhu Carabiga ayuu aad ugu macaanyahay, laakiin nuxurka macnaha ayaan isku deyi inaan Soomaaliyeyo : Caaisha Radiyallaahu Canhaa ayaa ku tiri Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam habeen iyagoo Caweynaya...(Adiga Xaaskaaga ma la caweysaa) :


11 Dumara ayaa meel isugu yimi..wexey isku dhaarsadeen in mid waliba ninkeeda wuxuu yahay sheegto oo aaney waxba qarin.. Waayahay ayey yiraahdeen..waana dumar carbeed oo aftahamo ilaahay siiyey..intooda badani ragoodii meel fog ayey uga soo hareen..aan eegno xadiiska xiisaha iyo macaanka iyo xikmadda badan, ragguna aad ha u dhuuxaan..tii koowaad ayaa bilawday:
1aad: wexey tiri: Ninkaygu waa Hilib Geel, oo Caata ah, oo oo Buur dheer, oo qarjaf ah dhakadeeda saaran, mana fuuli kartid, mana soo qaadan kartid..( wey u dhamaysay, wexeyna ka wadaa, hilibka geel dadku sey u badan yihiin ma jecla, isagoo saasa ayuu haddana caata duukhday yahay kasii daran, markaasuu haddana meel dheer oo inaad buurta dhagaxaa fuusho kaaga baahan yaal, wexeyna ka wadaa baa la yiri: Dabeecaddiisu waa mid adag sida dhagaxa, wax la qaatana ma leh, si loola dhaqmana lama yaqaan, lamana raali geli karo!!Ninkii dabci adag dumar kala tage, ogow!! Is fududey marka saaxiib..

2aad: wexey tiri : Iga daaya Ninkayga sheekadiisa idiin ma sheegi karo, waxaan ka baqayaa hadaan sheego in lay furo, ceebihiisa kor iyo hoos inaanan wax ka tegin...( weyna sheegtay oo wexey ula jeedaa ceebihiisu waa kuwa muuqda oo markhaati ma doonta ah, kuwa hoosena waa badan yihiin hadii la faaqido, xaaska uun baa og...Tanina wey u dhamaysay..oo wexey ku tilmaantay weliba meelaha jirka dhididka iyo uskagu galo ee isku laab laaban, sida qoorta, iyo xudunta.. laba nin ayaa meeshaas gal galanaaya!!.

3aad : Wexey tiri Ninkaygu waa Qabaluus, waa doqon dheer, haddaan hadlo waa i furayaa, hadaan aamusana waa i calaqayaa, yacni mid aan lana furin lana qabin ayaan noqonayaa, marka hadaan aamuso iyo hadaan hadlo midna iima roona, sidaas ayaan kula joogaa..(gabadhani meel fog ayey geysey ninka, waa nin dabeecad xumadu la gaartey inaan hadal iyo aamus midna lagula dhaqmi karin, marka silic iyo saxarir iyo dani ku badday ayey kula joogtaa..Allow sahal)

4aad : waa gabadha u horreysa oo ninkeeda amaantay..wexey tiri :( Ninkaygu waa sida habeenka Tihaama (dhul buuraley ah oo koonfurta Sucuudiga ah) kulaylna maaha, qabowna maaha, cabsina ma leh, caajisna ma leh...( Gabadhan ninkeeda aad ayey u amaantay habeenka tihaama waa hawada ugu fiican, oo aan kulayl iyo qabow midna ahayn..wexey ka wadaa dabeecad wanaagsan oo dhex dhexaadkii ugu fiicnaa ayuu leeyahay, nin dabci adag oo aan lala heshiinna maaha, nin qabow oo lagu ag dhintana maaha, sidoo kale cabsi kama qabto iney la sheekaysato, la kaftanto, hadalka si raaxo iyo xorriyad keh u tiraahdo, agtiisana laguma caajiso, yacni wuu kool kooliyaa, ama magacyo fiican ugu yeeraa, dahabey, malabey, ubaxey, iwm..

5aad: waa laysku khilaafay iney amaantay iyo iney cayday, waxaase loo batay iney amaantay..wexey tiri: (Ninkaygu Haduu soo galo waa shabeel..Haduu baxana waa Libaax..wixii uu guriga ku ogaana ima weydiiyo...) waxaa layiri wexey ula jeedaa haduu soo galo sida bahalkaas ayuu seexdaa, guriga gudihiisana iskuma mashquuliyo, maxaa la bixiyey, maxan la bixin, maxa maqan maxaa yaal, Dumarkuna ninka la xisaabtama ma jecla..kursigii halkan oolaa aaway? Weelkii hebel ahaa yaa qaatay? Saxankii aan waagii soo iibshey xagee aadey? Termuuskii aan lacagta badan kasoo bixiyey aaway? Sonkortii sidee idiinka dhamaatay asbuucba lama gaarine? Iwm..waxaa la yiraahdaa ninka caaqilkaaye waa kan wax badan is dhaafiya..

6aad: gabadhanna wey ka ashtakootey..wexey tiri: (Ninkaygu haduu wax cuno xeerada eber..haduu cabbana waa fuuqsadaa..kadibna waa is duu duubaa..gacanna hoos masoo xuluuliyo..si uu xaalkayga u ogaado) yaa allaah..waa cabasha meeshii u dambaysey..horta bela wuxuu ku dhigay cir weyni..wuxuu ku darsaday markuu dhergo gabadhii cuntadaas macaan samaysay uma mahad celiyo ee maraduu gab isku siiyaa madax ilaa mijo. Kaaga darane gacanba soo fidin maayo..gabadhiina dhabanada ayey iska qabsan, xidigaha ayey la caweyn..

7aad: waxba midaani ninka uma hambayn..qaati billaahiya ayey ka joogtaa, laakiin dan baa ag dhigtay iyo nolol iyo ilmo mindhaa..wexey tiri: (Ninkaygu hadal ma yaqaan, jid toosanna kuma hagaago, lama fahmi karo oo waa xir xiran yahay, ceeb walbana waad ku arkeysaa..ama wajiga ayuu kaa dakhri..ama laf ayuu kaa jebin..ama labadaba waa isugu kaa darayaa..) Ninkaanu afgarooc nimada, iyo caqli yarida wuxuu ku darsadey dil, oo ama wajiguu diiran ama laftuu jebin..waa mid laga quustay..iska jir wiilow sidaas ha noqon..ragga dumarka dilana akhyaar maaha xadiis kalaa yiri..

8aad: Gabadhan waa tii saddexaad oo ninkeeda amaanta..bal dhalinyaro dhegeysta..wexey tiri: (Ninkayga taabashadiisu waa taabasha bakayle oo kale..caraftiisuna waa uduga catarka sida geedka zarnabka la yiraahdo..) laba shey oo dumarku jecelyihiin ayey ku amaantay..korkiisu waa xariir oo kale..gacanta haduu ku taabto wexey ku tusaalaysay sida dhogorta bakaylaha oo ah mid aad u jilicsan..marka hadey ka wado xagga gogosha iyo hadey ka wado taa taabashada intaba waa nin gacantiisa iyo jirkiisa ay ku raaxaysato..marka saabuunta iyo shaambada iyo alaabta laysku jilciyo dhalinyaradu yey ilaawin..wexey kaloo ku amaantay uduga iyo carafta wanaagsan..taasna naftaa jecel..gurya badan ayaa wexey ku dumeen..nin maalinkii oo dhan dharkuu ku shaqaynayey, uskagii iyo dhididkii isagoo wata xaaskiisa kasoo ag dhowaan, markaas ayey ka anfarirtaa, waxaaba laga yaabaa iney furiin dalbato..qaarna cadayga ayey ilaawaan, markuu gabadha xageeda soo aado, ayaa waxaa qaadda dabayl qarmuun, yaa salaam, markaa waa halagu kala tago meesha..Arrinkaa dartiis Nebiga Calayhi Salaatu wasalaam guriga markuu soo galo wuxuu ka bilaabi jirey cadayga..Marka saaxiib, guriga hadaad timaaddo habeenkii qubayso..dharka bedelo..subko..barafuunka iyo kreemyada ha ilaawin..si fiican u cadayo..kadib ayaa sheekada iyo cawaysku fiicnaadaa..hadii kale waad ka shalayneysaa..adaa is yaqaan...

9aad: iyana wey amaantay..sharaf iyo magac iyo deeqsinimo iyo martisoor ayey ku sheegtay..wexey tiri: (Ninkayga gurigiisu waa tiirar dheeryahay..Isaguna waa nin Muuqda..Dambaskiisu waa weyn yahay dabkiisuna ma damo..Gurigiisuna golaha la fadhiisto ayuu u dhowyahay oo meel lagu soo hagaago) markaa gabadhu ninkeeda inuu yahay nin doora oo reerkiisa ama bulshadiisa ka muuqda ayey ku tilmaantay, martidu kusoo hirato oo mar walba wax laga cunayo, golaha laysugu yimaadana gurigiisu ku dhooyahay taasoo keeneysa inaanu dhibsanayn ee jecelyahay in mar walba uu dadka soo dhoweeyo..halkaa waxaa ku haray ninka keligii cunaha ah ee wuxuu haysto la dhuunta, martidana ka seexda ama ka leexda, bakhaylka ah oo faraha hadaad ka garaacdo aaney kasoo dhicin..

10aad : Ninkeeda iyana wey amaantay..xoolo.. Deeqsinimo iyo wanaag badan ayey ka sheegtay..wexey tiri: ( Ninkaygu waa Maalik..Maalik miyaad taqaaniin wuxuu yahay...wax kasta oo aad u malayso waa ka wanaagsanyahay..geel badan ayuu leeyahay..oo xerada u fadhiya...wax badanna aan la foofin si aaney u fogaan..dhawaqiisa hadey maqlaan..wexey ogaadaan iney qalanyihiin.) Ninkeeda wanaagna wey ka sheegatay..dumarka oo u badan iney dayriyaan, ogow ninka ay wanaag u qirto, oo ayan hilmaamin inuu nin doora oo rag ka tegey yahay..wexey ku sheegtay xoola badan..hadii wanaag loo adeegsado xooluhu waa nicmo iyo amaan..wexey kaloo ku tilmaantay deeqsinimo, iyo marti soor, inuu dadka maalin walba geel u qalayo, oo aanuba rabin in geelu ka fogaado..

11aad: waa qofka sheekada xadiisku ku socoto..waa Umu Zarc...qalbigeedu marna waa ka go'i waayey Abu Zarc..weyna hilmaami kari la,dahay..dumar wexey jeclaayeen oo dhan ayey ka heshay..bal aan dhegeysanno..Wexey tiri Umu Zarc :( Ninkaygu waa Abuu Zarc..waa kuma Abu Zarc..Dhegahayga dahab buu ka lulay...jirkaygana barwaaqo ayuu ka muujiyey...waa iga farxiyey markaasaan farxay..oo waa i weyneyey oo i kool kooliyey..markaasaa naftaydu ila weynaatey..wuxuu iga soo guursadey reer dan yar oo jees ah..ari yar jeex ku haysta..markaasuu isoo dhex dejiyey qoys nicma buuxa geel iyo fardo iyo xoolo nooc walba...Agtiisa sidaan doono ayaan u hadlaa, waxna ima yiraahdo, laymana caayo, hurda macaan ayaan seexdaa ilaa iyo barqadii laymana kiciyo, waan quraacdaa oo cabbaa, waana la ii shaqeeyaa, oo hawl layguma dhibo..Abuu Zarc Hooyadiis waa tuma..Waa mid xoola buuxda..Gurigeeduna waasic yahay...Wiilka Abu Zarc waa kuma? Waa wiil qurux badan, oo fir fircoon, oo aan cirweynayn..Gabadha Abu Zarc waa tuma? Waa gabadh gabdhaha dhaaftay..joog iyo qurux isku darsatay..asaageed ka masayray...hooyadeed iyo Aabeheed baari u ah..gabadha Shaqaalahaa ee Abu Zarc waa tuma? Waa mid guriga si fiican uga shaqaysa..sirta reerka ilaalisa oo aan banaanka geyn..xoolaha iyo alaabta guriga aan baylihin..Iyadoo sidaa xaal yahay ayaa Abuu Zarc baxay..iyadoo roob da'ay, carriguna barwaaqa yahay..wuxuu arkay gabadh qurux badan..oo da' yar..a laba cunug oo yar yari u ciyaarayaan..Laabteedana laba naas oo rumaan aad moodo ka lushaan..markaasuu iyada guursadey, anigana i furay...kadibna waxaa i guursadey nin wanaagsan..oo sharaf leh..xoola nooc walba i siiyey..iguna yiri: qaado Ummu Zarac, ehelkaagana sii...wuxuu i siiyey oo dhan hadaan isu geeyo, weelka ugu yar ee Abuu Zarc ma gaaro)...Ummu Zarac Dumarka warkoodi wey dhamaysay..(Nebigu Calayhi Salaatu wasalaam oo dhegeysanayey cawayska xaaskiisa Caaisha Radiyallaahu Canhaa wuxuu yiri: Waxaan kuu ahay sidii Abuu Zarc Umu Zarc u ahaa, laakiin Kuma furayo..wexey tiri: Adaa Abuu Zarci ka khayr badan yaa Rasuulalaah)...

Hadaba Warka Ummu Zarc waxaa Ragow laga qaatay:-
1) Dumarku ninka u roon ma ilaawaan
2) Kan daryeela ee u naxariista Ma Ilaawaan
3) Kan Raaxadooda ka shaqeeya ma ilaawaan
4) Kan xoolaha iyo Dahabka haysta ma Ilaawaan
5) Kan hadalkooda iyo dhibkooda u dulqaata ma Ilaawaan
6) Dumarka dhalaal iyo Raaxo laga raac ee intii tabara ha u diidina
7) Dumarku kan kool kooliya oo farax geliya ma ilaawaan
Hadaba waa kaase sheekadoo kooban ragow tashada oo quraaraduhu yey idin kasoo ashtakoon...


Sheekada waxaa qoray oo diyaariyey:                                           Sheikh mohamed idiris ahmed.                          


No comments:

Post a Comment